Dalka ugu badan, dalka ugu yar iyo dhamaan horyaalada ay kakala ciyaaraan 368 ciyaaryahan ee ka qeyb gelaayo tartanka qaramada Yurub
Horyaalka dalka Jarmalka ayaa noqdey halka ay ka ciyaaraan ciyaaryahanada ugu badan ee ka qeyb galaya tartanka qaramada qaarada Yurub oo todobaadka soo socda ka dhici doona dallalka Switzerland iyo Austria.
Guud ahaan laacibiinta ka dheesha horyaalka Jarmalka ee Bundesliga ayaa ah 57 ciyaaryahan iyadoo 19 ka mid ah ay u dheeli doonaan qaranka Jarmalka halka inta soo hartayna ukala safan doonaan dhamaan 16ka dal ee ka qeyb gelaaya tartanka marka laga reebo dalka Spain.
Dalalka ka qeyb gelaayo ee horyaalkooda ka ciyaaraan ciyaaryahanada ugu yar waa dalka Croatia oo 2 ciyaartooy oo keliya ka dheelaan gudaha Croatia waxaana kusoo xiga dalka Jamhuriyada Czech oo 3 ka mid ah xidigaha ka qeyb gelaayo tartanka qaramada Yurub ka ciyaaraan horyaalka Czech.
Xidigaha ugu badan ee tartankan ka qeyb gelaayo ee ka ciyaara mid ka mid ah dalalka aysan u suura gelin iney soo gaaraan tartankan waa dalka Ingiriiska oo liiskan ku leh 43 ciyaartooy iyagoo guud ahaan marka la xisaabiyo ciyaaryahanada ka dheela horyaalka Ingiriiska uu ka horeeyo kan Jarmalka oo keliya.
Ciyaaryahanada ka qeyb gelaayo tartanka qaramada Yurub sanadkaan waxey guud ahaan kakala ciyaaraan 23 dal iyadoo dalka Bulgaria yahay dalka ugu yar ee heysta laacibiinta ku balansan Switzerland iyo Austrea iyadoo hal ciyaaryahan oo kaliya ka dheelo horyaalka Bulgaariya.
Horyaal kassta iyo tirada ciyaaryahan ee ka qeyb gelaya qaramada Yurub:
|
Jarmalka - 57 Ingiriiska - 43 Spain - 41 ITalyaaniga - 36 Ruushka - 29 Fransiiska - 24 Giriiga - 22 Turkiga - 17 Austria - 16 Bortoqiiskal - 14 Romania - 13 Nederland - 10 |
Polen - 9
Switzerland - 8 Swedan - 7 Belgim - 4 Skottland - 4 Danmark - 4 Jam. Czech - 3 Ukrain - 3 Croatia - 2 Norwey - 2 Bulgaria - 1 |