Saturday, June 21, 2008

hidiga bogiisa waxaad ka heli kartaan c/raxmaan jaamac sahal oom

cabdiraxmaan jaamac sahal  oom

cabdiraxmaan217@hotmail.com

Posted by oom at 08:04:32 | Permalink | No Comments »

Posted by oom at 08:02:31 | Permalink | No Comments »

Monday, June 9, 2008

Bodolski oo quusiyey dalkiisii hooyo, Austria oo kulankoodii 1aad laga adkaaday

Bodolski oo quusiyey dalkiisii hooyo, Austria oo kulankoodii 1aad laga adkaaday

09.06.2008, deeyoo.com

Xulka qaranka Jarmalka ayaa qabtay hogaanka guruubka B ee tartanka qaramada Yurub markii ay 2-0 ku garaaceen xulka Poland halka qaranka Croatia oo ay isku guruub yihiina uu1-0 ku dhuftey qaranka Austria oo ka mid ah dalalka sida wada jirka ah u marti gelinaya tartankan.

Ciyaaryahan Lukas Podolski oo asalkiisu ahaa Poland ayaa dhaliyey labada gool oo ay ku badiyeen isagoo kan hore baas wanaagsan ka helay saaxiibkiis Miroslav Klose oo sidoo kale isna asalkiisu Polandees ah daqiiqadii 20aad ee ciyaarta halka goolka kalena oo dhaliyey 20 daqiiqo ka harsaneyd dhamaadkii ciyaarta markii darbo uu gamay Miroslav Klose ay ku dhacday difaaca Poland ka dibna kubadii ay soo gashay lugta Podolski oo darbo qurxoon gees ka geløiyey shabaqa Poland.

Podolski oo ku dhashay Poland iyadoo waalidkii dhalay labaduba ay ahaayeen reer Poland hase yeeshee ay u soo qexeen dalka Jarmalka markii uu Podolski ahaa 2 jir

Switzerland 0-1 Czech
Portugal 2-0 Turkiga
Austria 0-1 Croatia
Jartmalkla 2-0 Poland
Romania vs Fransiiska
Holland vs Talyaniga
Spain vs Ruushka
Giriiga vs Swedan
Czech vs Bortoqiiska
Switzerland vs Turkiga
Croatia vs Jarmalka
Austria vs Poland
Italy  vs Romania
Holland vs France
Swedan vs Spain
Giriiga vs Ruushka
Turkiga vs Czech
Switzeland vs Portugal
Poland vs Croatia
Austria vs Jarmalka
France vs Talyaaniga
Holland vs Romania
Giriiga vs Spain
Ruushka vs Swidan

ayaa xushmad darteed sameyn wax dabaal deg ah sida loogu bartey ciyaartoyda marka ay gool ka dhaliyaan tartamada waa weyn isagoo xushmeynaya dalka Poland oo uu asal ahaan ka soo jeedo.

Guushan Jarmalka ayaa aheyd toodii ugu horeysey mudo 12 sano ah iyagoo markii ugu dambeysey ee ay badiyaan kulan ka tirsan koobka qaramada Yurub uu ahaa finaalhii 1996 markii ay 2-1 koobka uga qaadeen dalka Jamhuriyada Czech.

Jarmalka wuu ku guuldareystey tartamadii 2000 iyo 2004 inuu soo dhaafo wareega 1aad iyagoo aan badinin mid ka mid ah kulamadii ay ciyaareen.

Dalka Jarmalka oo ka mid ah dalalka loo maleynayo iney ku guuleysan doonaan tartankan ayaa sidoo kale sii kordhiyey iskoorka fiican ee ay ku heystaan Polan oo markii ugu dambeysey oo ay Jarmalka ka badiyaan aheyd sanadkii 1937kii iyadoo 16 kulan oo ay labadan dal ciyaareen 12 ka mid ah uu Jarmalka badiyey halka 4ta kalena ay kusoo dhamaatey bareejo.

kulankii kale ee dhex maray dalalka Austria iyo Croatia ayaa guud ahaan ahaa kulan degen oo farsamadiisana ay aad u hooseysey una qalmin tartankan iyadoo labada kooxba ay sameeyeen qaladaad aad u fara badan oo ay xitaa baasaska aad isaga qaldayeen.

Goolka keliya ee dhashay oo rigoore ahaa ayaa yimid daqiiqadii 3aad ee ciyaaarta waxaana shabaqa ku hubsadey xidiga ay dhowaan lasoo wareegtay kooxda Totenham Luka Modric.

Labada dal ee sida wada jirka ah u marti gelinaya tartankan qaramada Yurub ayaa kulankoodii ugu horeeyey min 1-0 lagaga itaal roonaadey iyadoo ay ku adkaan doonto sidii uu midkood usoo gaari lahaa wareega labaad ee tartankan maadaama kulamo adag ay usii dhiman yihiin.

Kulamada caawa oo aad u adag ayaa dhex mari doono guruubka C iyadoo ay iska hor imaan doonaan kooxaha Faransiiska vs Romania oo kulanka hore wada ciyaari doono iyo Holland iyo Talyaaniga oo kulanka kale isqaabili doono.

cabdiraxmaan jaamac sahal  oom

cabdiraxmaan217@hotmail.com
 
Posted by oom at 18:51:22 | Permalink | No Comments »

Koobka qaramada Yurub oo ka furmay Switzerland iyo Austria.

08/06/08

Waxaa si habsami leh uga bilowday tartankii sida aadka ah loo wada sugayay ee qaramada Yurub, oo sanadkan la iskula qabanayo labada waddan ee Switzerland iyo dalka ay deriska yihiin ee Austria.

Xafladdii furitaanka kadib waxaa lagu furay ciyaartii 1aad dalka Switzerland iyo Czech Republic oo ku wada jira qeybta A, iyada oo labadan dalba ay banaanka ka joogaan dalalka looga cabsi qabo hanashada koobka amaba in ay soo gaaraan finalaha.

Switzerland oo lagu ciyaarayay dalkeeda ayaa ciyaarta inta badan ku gacan sareysay, iyaga oo iska qasaariyay dhowr fursadood oo dahabi ahaa, qeybtii 1aad oo ku dhamaatay goolal la,aan waxaa uga siidarnaa markii uu kabtanka iyo gool dhaliyaha Switzerland dhaawac uga tagay ciyaarta, waxa ayna niyad jab ku riday inta badan ciyaartoyd, maamulka iyo taageerayaasha intaba.

Markii la isku soo laabtay ayey Czeckia dhaliyeen gool ugu danbeyntii noqday kan kaliya ee ka dhashay garoonka, waxaana u saxiixay weeraryahanka Sverkos oo daqiiqado kahor lagu soo badalay ninka dheer ee Koller oo weerarka uga ciyaara Czeckia, goolkaas kadib Swisska ayaa weeraro is daba joog ah kusoo qaaday goolka Czeck oo uu si weyn u ilaalinayay goolhaye Peter Chech iyo weliba birta goolka oo difaacday Czeckia.

Natiijada kulankii ugu horeeyay Euro08 ayaa noqotay dalka martida loo yahay ee Swizerland oo ku bilaabay guul daro iyo Czeckia oo ku bilowday 3 dhibcood oo saafi ah.

Waxa ay isku qeyb ku wada jiraan Portugal iyo Turkiga oo ciyaaray kulankii labaad waxaana 2 gool iyo waxba guusha kula hoyday dalka Portugal oo ka mid ah dalalka looga baqayo ku guuleysashada Euro08. labada gool ee Portaqiiska ayaa wada dhashay qeybtii labaad ee ciyaarta waxaana u kala dhaliyay Pepe oo difaaca ka ciyaara iyo Raul Meireles oo isna bedel kusoo galay.

Portugal ayaa soo bandhigtay ciyaar aad u wanaagsaneyd, waxa ayna fariin cad u direen dalalka kula tartamayao koobkan oo ay dareensiiyeen in ay ka xoogan yihiin sidii ay ahaayeen 4 sano kahor markii ay kaalinta labaad ka galeeen tartanka oo lagu qabanayay gurigooda. dhanka kale Turkiga ayaa waxoogaa u muuqda in laga awood badanyahay tartankan, farqi weyn ayaana u dhexeeya xidigihii Turkiga ee kaalinta 3aad kasoo galay koobkii adduunka ee 2002dii.

Hadaba maanta oo Axad ah waxaa wada balansan dalalka Croatia iyo Austria oo isla ciyaaraya iyo Jarmalka iyo Poland oo isla ciyaaraya. waxa ayna ciyaaruhu kala bilaabanayaan 18:00 iyo 20:45.

Tartankan oo ah mid kamid ah kuwa ugu qaalisan tartamada la qabto mar walba, marka laga reebo koobka kubadda cagta ee Adduunka waa kan kusoo xiga xag maaliyadeed iyo xag sport, waxaana la qabtaa 4tii sanaba mar sida kloobka adduunka.

cabdiraxmaan jaamac sahal oom

cabdiraxmaan217@hotmail.com

Posted by oom at 08:53:49 | Permalink | No Comments »

Posted by oom at 08:52:06 | Permalink | No Comments »

Friday, June 6, 2008

Ronaldo oo sheegay inuu ka tagayo Man.United una wareegayo Real Madrid

Xidiga weyn ee Manchester United Cristiano Ronaldo ayaa ugu dambeyntii sheegay inuu jecelyahay inuu u wareego Real Madrid mar uu la hadlayey wariye Julio Gomes Filho oo ka socday wargayska Terra oo ka soo baxa Brazil ka dib todobaadyo guux ah oo ku saabasan mustaqbalka Ronaldo oo hordhac u ahaa saxaafada caalamka iyo weliba kooxaha Real Madrid iyo Man.United.

Ronaldo oo aad loo rumeysan yahay in sanadkan uu isku darsan doono ciyaaryahanka ugu wanaagsan qaarada Yurub iyo Aduunkaba isla markaana laf dhabar u ahaa koxdiisa Manchester United ee sanadkan ku guulaysatey horyaalka Ingiriiska iyo kan qaarada Yurub ee Champions league ayaa hore dhowr jeer u sheegay inuu jecelyahay in mar uun uu ka ciyaaro horyaalka Spain.

Laakiin hadalkiisa maanta ayaa shaki weyn sii geliyey in horyaalka soo socda uu lasii joogi doono Manchester United markii uu si cad u sheegay inuu jecelyahay inuu u wareego Real Madrid waqti xaadirkan maadaama uu inta ciyaaryahan ku guuleysto oo kula soo guuleystay Man.United.

- Waxaan jeclahay inaan u wareego Real Madrid laakiin waa hadii ay diyaar u yihiin iney bixinayaan lacagaha ay balan qaadeen iney aniga iyo kooxdeydaba siinayaan ka dhabeeyaan ayuu yiri Ronaldo mar uu u waramayay Terra oo ay soo xigatay Sky Sports.

Wuxuu sidoo kale fariin u diray suxufiyiinta aadka ugu mashquulsan iney warestaan isagoo uga digay in wax su`aal ah oo arintan ku saabsan aysan weydiin ka hor dhamaadka tartanka qaramada Yurub maadaama uusan ka jawaabi doonin.

Hadiiba ay dhacdo in Ronaldo ka tago Man.United sanadkaan waxaa shaki badan ku jirin inuu jabin doono iskoorka ciyaaryahanka ugu qaalisan aduunka oo uu hada heysto xidigii weynaa ee Real Madrid Zidane iyo weliba iskoorka Kaka ee ah ciyaaryahanka ugu mushaharka badan aduunka.

Manchester United ayaa dhankeeda ku celcelisay in Ronaldo uusan iib aheyn isla markaana ugu hanjabtay Real iney ku dacweyn doonto FIFA hadii aysan joojin damacooda Ronaldo iyadoo arinta ay sii cusleyn doonto macalinka Man.United oo hore u sheegay in intii ay Ronaldo ka gedi lahaayeen R.Madrid uu bakiin Man.United fariisan doono.

Heshiiska uu Ronaldo kula jiro Man.United waxaa ka dhiman 4 sano isagoo sanadkan kooxdiisa u dhaliyey 42 gool guud ahaan kulamadii uu u ciyaaray kuna guuleystay tartanka gool dhalinta horyaalka Ingiriiska iyo weliba kan Champions League.

Abdirahman jama sahal

cabdiraxmaan217@hotmail.com

Posted by oom at 06:42:37 | Permalink | No Comments »

Thursday, June 5, 2008

UEFA oo kooxda Porto ciqaabtay kana saartey ka qeyb galka Champions League soo socda

Naadiga kubada cagta FC Porto ee ka dhisan dalka Bortoqiiska ayaa la saaray ganaax culus markii ay maanta xiriirka kubada cagta ee Yurub UEFA go`aansadeen in Porto laga mamnuuco ka qeyb galka Champuions League soo socda.

Porto waxaa lagu eedeeyey iney dhowr jeer isku dayeen iney saameeyn ku yeeshaan go`aanka garsoorayaasha isla markaana ay lacag bixiyeen si loo sii daayo inkastoo hore loogu ciqaabay in laga jaro 6 dhibcood maadaama lagu eedeeyey in labo ciyaar lasii daayey iyadoo arimahan oo dhana ay ka dheceen horyaalka Bortoqiiska sanadkii 2003-2004 oo ahaa markii ay ku guleysteen horyaalka kooxaha Yurub ee Champions League.

Tababaraha cusub ee Inter Milan Jose Mourinho ayaan wax eed ah loosoo jeedin oo ah inuu ku lug lahaa fadeexadan isagoo tababare u ahaa Porto xiliga ay dheceen natiijo isdaba marinta.

Porto oo sanadkaan mar kale ku guuleysatey horyaalka dalkooda ayaa bogeeda nett-ka ku sheegtay iney racfaan ka qaadaneyso xukunka lagu riday.

Abdirahman jama sahal

cabdiraxmaan217@hotmail.com

Posted by oom at 17:25:57 | Permalink | No Comments »

Wednesday, June 4, 2008

Flamini oo laga yaabo inuu bedelo Patrick Vieira kana qeyb galo qaramada Yurub

Xidiga qadka dhexe ee dhowaan kusoo biiray naadiga Milan Mathieu Flamini ayaa mar kale dib loogu wacay qaranka Faransiiska oo maalinta berito ah kulankoodii ugu dambeeyey ee saaxiibtinimo la yeelanaya dalka Colompia ka hor inta aysan u kicitimin dalka Switzerland.

Weli lama hubo in Flamini ka mid noqon doono xidigaha ka qeyb gelaayo qaramada Yurub hase yeeshee wuxuu reservo u noqonayaa hadii mid ka mid ah ciyaaryahanada 23ka ah ee la magacaabay dhaawac dartii kaga haro xulka.

Waxaa aad loogu maleynayaa in kabtankii hore ee Arsenal Patrick Vieira oo aan safan labadii kulan ee ugu dambeeyey saaxiibtinimo uu qarka u saaran yahay inuu ka qeyb geli waayo tartanka qaramada Yurub markii uu ku dhaawacmay aalamiintadii hase yeeshee weli aan laga rajo dhigin.

Mathieu Flamini oo hore ugu mid ahaa 30 ciyaaryahan oo la magacaabay ayaa ka mid ahaa ciyaaryahano dhowr ah oo si lama filaan ah uga haray 23kii ciyaaryahan ee ugu dambeyn qaranka u matali lahaa Faransiiska hase yeeshee Flamini ayaa hada u eg in fursad kale uu helay isagoo buuxin doono hadiiba ay dhacdo in Patrick Vieira si dhakhsi ah ugasoo bogsan waayo dhaawaca soo gaaray.

abdirahman jama sahal (oom)

cabdiraxmaan217@hotmail.com

Posted by oom at 16:53:41 | Permalink | No Comments »

Inter oo ku dhawaaqdey in Mourinho yahay tababarahooda cusub

Naadiga Inter ayaa ku shaacisay bogeeda nett-ka in Jose Mourinho loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda isla markaana uu saxiixay heshiis 3 sano ah.

Kooxa heysata horyaalnimada Talyaaniga ee Inter oo todobaadkii hore iska ceyrisay tababarahooda Mancini ka dib dhowr bil oo la hadal hayey in Mancini lagu bedeli doono Mourinho inkastoo madaxda Inter ay markastaba inkirayeen inuu jiro qorshe Mourinho kula wareegayo jagada Mancini.

Mourinho oo laftigiisa laga soo raacdeeyey tababaranimada Chelsea adabayaaqadii sanadkii tegay markii uu kooxda Chelsea u horseedi waayey inuu kula guuleysto Champions League ayaa waxaa sugaya hawl culus maadaama uu xilka kala wareegay Mancini oo 4 sano oo uu Inter la joogay kula guuleystay 3 horyaalka Talyaaniga taasoo ka dhigan in madaxda Inter aysan ku qanceynin wax ka yar inuu kula guulesyto Champions League.

Mourinho wuxuu Porto kula soo guuleystay labo horyaalka Bortoqiiska ah koobka UEFA iyo weliba Champions League isagoo markii uu yimid Ingiriiskana Chelsea kula guuleystay labo horyaal oo isku xiga ayaa loo arkaa inuu yahay tababaraha ugu wanaagsan aduunka waqtigan isagoo mushahar ahaan u qaadan doono 9 milyan oo euro sanadkii.

abdirahman jama sahal (oom)

cabdiraxmaan217@hotmail.com

Posted by oom at 16:47:01 | Permalink | No Comments »