Friday, June 6, 2008

Ronaldo oo sheegay inuu ka tagayo Man.United una wareegayo Real Madrid

Xidiga weyn ee Manchester United Cristiano Ronaldo ayaa ugu dambeyntii sheegay inuu jecelyahay inuu u wareego Real Madrid mar uu la hadlayey wariye Julio Gomes Filho oo ka socday wargayska Terra oo ka soo baxa Brazil ka dib todobaadyo guux ah oo ku saabasan mustaqbalka Ronaldo oo hordhac u ahaa saxaafada caalamka iyo weliba kooxaha Real Madrid iyo Man.United.

Ronaldo oo aad loo rumeysan yahay in sanadkan uu isku darsan doono ciyaaryahanka ugu wanaagsan qaarada Yurub iyo Aduunkaba isla markaana laf dhabar u ahaa koxdiisa Manchester United ee sanadkan ku guulaysatey horyaalka Ingiriiska iyo kan qaarada Yurub ee Champions league ayaa hore dhowr jeer u sheegay inuu jecelyahay in mar uun uu ka ciyaaro horyaalka Spain.

Laakiin hadalkiisa maanta ayaa shaki weyn sii geliyey in horyaalka soo socda uu lasii joogi doono Manchester United markii uu si cad u sheegay inuu jecelyahay inuu u wareego Real Madrid waqti xaadirkan maadaama uu inta ciyaaryahan ku guuleysto oo kula soo guuleystay Man.United.

- Waxaan jeclahay inaan u wareego Real Madrid laakiin waa hadii ay diyaar u yihiin iney bixinayaan lacagaha ay balan qaadeen iney aniga iyo kooxdeydaba siinayaan ka dhabeeyaan ayuu yiri Ronaldo mar uu u waramayay Terra oo ay soo xigatay Sky Sports.

Wuxuu sidoo kale fariin u diray suxufiyiinta aadka ugu mashquulsan iney warestaan isagoo uga digay in wax su`aal ah oo arintan ku saabsan aysan weydiin ka hor dhamaadka tartanka qaramada Yurub maadaama uusan ka jawaabi doonin.

Hadiiba ay dhacdo in Ronaldo ka tago Man.United sanadkaan waxaa shaki badan ku jirin inuu jabin doono iskoorka ciyaaryahanka ugu qaalisan aduunka oo uu hada heysto xidigii weynaa ee Real Madrid Zidane iyo weliba iskoorka Kaka ee ah ciyaaryahanka ugu mushaharka badan aduunka.

Manchester United ayaa dhankeeda ku celcelisay in Ronaldo uusan iib aheyn isla markaana ugu hanjabtay Real iney ku dacweyn doonto FIFA hadii aysan joojin damacooda Ronaldo iyadoo arinta ay sii cusleyn doonto macalinka Man.United oo hore u sheegay in intii ay Ronaldo ka gedi lahaayeen R.Madrid uu bakiin Man.United fariisan doono.

Heshiiska uu Ronaldo kula jiro Man.United waxaa ka dhiman 4 sano isagoo sanadkan kooxdiisa u dhaliyey 42 gool guud ahaan kulamadii uu u ciyaaray kuna guuleystay tartanka gool dhalinta horyaalka Ingiriiska iyo weliba kan Champions League.

Abdirahman jama sahal

cabdiraxmaan217@hotmail.com

Posted by oom in 06:42:37
Comments

Leave a Reply